Kenya oo lagu cadaadinayo qorshe ku aadan dhakhaatiir ay Shabaab haysato

Image

NAIROBI, Kenya – Cuba ayaa "ku cadaadineysa" Kenya in ay ogolaato lacag madax furasho ah oo laga bixiyo dhakhaatiir ay Al-Shabaab afduubatay.

Assel Herrera iyo Landy Rodríguez ayaa ku dhawaad hal sano ku jira gacanta maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in xukuumada Havana ay ku adkeyneyso in ay dib u hesho muwaadiniinteeda.

Mas'uuliyiinta labada dhinac ayaa la sheegay in ay fadhiyo badan ka yeesheen arrintaas, balse aanan wali wax is-afgarad ah laga gaarin.

Kulankii u dambeeyay waxaa yeeshay afhayeenka Aqalka Sare ee Kenya iyo safiirka Cuba u fadhiya magaaladda Nairobi, Ernesto Gómez Díaz.

Dowladda Uhuru Kenyatta oo ku adkeysatay in aysan magdhow bixin doonin ayaa ku goodisay in ay awood ku maquunin doonto Al-Shabaab.

Sikastaba ha ahaatee, dhakhaatiirta ayaa la tilmaamay in lagu haysto koonfurta Soomaaliya, isla markaana ay waqti xaadirkaan badqabaan nool yihiinna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM