Kenya oo lagu cadaadinayo qorshe ku aadan dhakhaatiir ay Shabaab haysato

Image

NAIROBI, Kenya – Cuba ayaa "ku cadaadineysa" Kenya in ay ogolaato lacag madax furasho ah oo laga bixiyo dhakhaatiir ay Al-Shabaab afduubatay.

Assel Herrera iyo Landy Rodríguez ayaa ku dhawaad hal sano ku jira gacanta maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in xukuumada Havana ay ku adkeyneyso in ay dib u hesho muwaadiniinteeda.

Mas'uuliyiinta labada dhinac ayaa la sheegay in ay fadhiyo badan ka yeesheen arrintaas, balse aanan wali wax is-afgarad ah laga gaarin.

Kulankii u dambeeyay waxaa yeeshay afhayeenka Aqalka Sare ee Kenya iyo safiirka Cuba u fadhiya magaaladda Nairobi, Ernesto Gómez Díaz.

Dowladda Uhuru Kenyatta oo ku adkeysatay in aysan magdhow bixin doonin ayaa ku goodisay in ay awood ku maquunin doonto Al-Shabaab.

Sikastaba ha ahaatee, dhakhaatiirta ayaa la tilmaamay in lagu haysto koonfurta Soomaaliya, isla markaana ay waqti xaadirkaan badqabaan nool yihiinna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM