Kenya oo Maraykanka u gacangalisay nin Soomaali ah oo 100 maroodi diley

Image

NAIROBI, Kenya- Dowladda Kenya ayaa tan Maraykanka ku wareejisay Cabdi Xuseen Axmed oo muddo dheer uu Maraykanka doondoonayay.

Ciidanka Kenya ayaa ninkani kasoo qabtay degmada Meru, gaar ahaan magaalada jaadka laga raro ee Maua, waxaana haatan loo duuliyay dalka Maraykanka, halkaas oo ay uga bilaabanayso maxkamad.

Ninkan ayaa loo haystaa ugaadhsiga sharcidarada ah ee duurjoogta sida maroodiga iyo wiyisha, isaga oo foolka ka iibsanayay dad jooga Maraykanka iyo meelo kale.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Cabdi Xuseen uu ugaadhsigan ka sameeyay lacag dhan $7 milyan oo doolar, isaga oo maroodiyo badan ku laayay wax ka badan 6 dal oo Afrika ku yaala.

Wuxuu dilay 100 maroodi iyo 35 wiyil, kuwaas oo ku kala dhaqnaa Kenya, Uganda, Tanzania, Congo, Mozambique iyo Senegal, sida ay sheegtay wakaaladda ka hortagga daroogada Maraykanka ee DEA oo madaxiisa saartay lacag badan oo abaalmarin ah ciddii soo sheegta.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM