Kenya oo qof Soomaali ah laga helay fayruska Corona

Image

NAIROBI, Kenya – Wasaarada Caafimaadka Kenya ayaa shaacisay in qof Soomaali ah uu kamid yahay dadkii u dambeeyay oo ay ka heshay Coronavirus, lana jiifiyey isbitaaladda lagula tacaalo caabuqa dilaaga ah.

Bukaankan aan magaciisa lasoo bandhigin ayaa lagu waramay in uu haysto Baasaboorka Soomaaliga, wallow aan la xusin halkuu ka tegay.

Tirada kiisaska cudurka ee gudaha Kenya ayaa kor-u-dhaafaya boqol, iyaddoo dadka laga baarey ay kun ka badan yihiin, saddex ruux ayaana u dhimatay, sidda ay muujineyso warbixinta wasaaradda.

Soomaalida ayaa lagu eedeeyay in aysan u hogaan-samin amarada kasoo baxay dowladda ee lagu xakameynayo faafitaanka xanuunkaas.

Go'aanada oo dhaqan-galay waxaa kamid ah; bandow waqtiga habeenkii ah, joojinta isu imaatinka iyo isu socodka aan muhiim ahayn.

Kaliya qaarada Yurub waxaa fayruska uu ku dilay in ka badan 40 qof oo Soomaali ah, oo uu ku jiro Nuur Xasan Xuseen oo loo gaqan-og-yahay Nuur Cadde, ra'iisul wasaarihii dowladdii ku meelgaarka, 2007-09.

Guud ahaan caalamka, hay'adda caafimaadka aduunka ayaa warisay in caabuqa ay qaadeen in ka badan hal milyan oo ruux, iyaddoo dadka u geeriyooday ay ku dhow yihiin 50-kun, waxaana kasoo kabtay 150-kun kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM