Kenya oo 2018 lagu dilay kun qof xili ay sii kordhayaan dambiyada

Image

NAIROBI, Kenya – Fal dambiyadeedyada gaar ahaan dilalka waa kuwa uu caalamku ka siman yahay, balse waxay ku kala duwan yihiin qaabka ay saxaafada dalkaasi ka jirta u soo bandhigto ama u baahiso.

Kenya oo deris la ah Soomaaliya waxaa ka dhaca dilal. Falalkaasi ayaa isugu kuwa ay geysanayaan burcad, argagixisada iyo ruux isaga gacantiisa isku dila markii ay soo foodsaarto xaalad adag oo nolosho ah.

Sidda laga soo xigtay xarunta 2019 Economic Survey oo tirakoobka sameysay, gudaha Kenya waxaa sanadkii hore ee 2018-kii lagu dilay 1,000 [kun qofood], taasi oo ka badan xagaagii kasoo horeeyay ee 2017.

Magaalooyinka ugu caansan ee dilalkaasi badankooda ay ka dhaceen ayaa kala ah; Eldoret oo 90 ruux lagu toogtay, Nakuru oo 88 ah, Meru oo 79 ah iyo caasimada Nairobi oo 66 shaqsi lagu naf-gooyey.

Warbixinta ayaa hoosta ka xariiqday in kiisaskaasi kaliya Maxkamada Sare ay xukun ku riday 357, taasi oo ka badan sanadkii kasii horeeyay ee 2017-kii xilligaasi oo ahayd 354 gal-dacwadeed.

Markii ugu dambeysay oo kun ruux lagu khaarijiyo Kenya waxay ahayd sanadkii 2014-kii. Waqtigaasi waxaa dalka aad ugu badnaa kooxaha burcada ah oo haatan ay muuqato in ay soo laba kacleeyeen.

Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa ka dhigan in 11% ay kordheen dilalka ka dhaca Kenya sanadkii 2018 maadaama 2017-kii lagu khaarijiyay 956 qof taasi oo la macno ah in ay ku darsan tay 109 ruux oo la dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM