Kenya oo Saraakiil looga dilay Qarax ka dhacay xadka Soomaaliya

Image

GARISSA - Ugu yaraan 8 Askari oo Boolis ah, oo saddex kamid ah ay ahaayeen ilaalada xayawaanka duur-joogta ah ayaa ku geeriyootey qarax Miino oo lagyula eegtay Gaari ay la socdeen xili ay ku maramayeen tuulada Bojigaras, oo ku dhaw Wajir.

Isu-duwaha gobolka Woqooyi Barri ee dalka Kenya Maxmuud Saalax, oo xaqiijiyay dhimashada Askarta iyo weerarka ayaa tilmaamay in ragga ka dambeeyay weerarka ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana lagu raadjoogo.

Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse ay u malaynayaa inay ka dambeyso Kooxda Al-Shabaab, ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Isku-duwaha ayaa intaas ku daray in qaar kamid ah Saraakiisha goobta qaraxu ka dhacay looga soo qaaday qaab dhaawac ahaan, laakiin ay dhinteen intii loosoo waday Isbitaalka.

"Qaraxa wuxuu dhacay galabnimada Axadda, waxaana uu ka dhashay markii ay Miino la kacday baabuur ay la socdeen saraakiil oo sideed ahaa, dhamaantoodna way dhinteen," ayuu Saalax usheegay The Standard.

Weerarkaan lagu dilay saraakiishaan ka tirsan Booliska Kenya ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo ay horey usoo saareen laamaha amaanka dalkaan digniino ku saabsan weeraro ka yimaada Al-Shabaab.

Lixdii bishaan June ayey ahayd markii, Lix sarkaal lagu dilay qarax Miino oo ay kula kacday deegaanka Liboi, oo ka tirsan Ismaamul goboleedka Garissa, ee wadankaan Geeska Afrika ku yaala ee Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM