Kenya oo shaacisay "hogaamiyaha" weerarkii iskuulka ee Sareedo

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha amniga Kenya ayaa shaaciyey magaca ninka hogaaminayey weerar saaka lagu qaadey iskuul ku yaala degaanka Sareedo ee ku dhow degmada Dhadhaab ee ismaamulka Gaarisa.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka hay'addaha sirdoonka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online, ninkan ayaa lagu magacabaa Maulid Bilal.

"Maulid Bilal waa horjooge sarre oo Al-Shabaab ka tirsan. Wuxuu fal-dambiyeedyo mahadhooyin sababay ka geystay Faafi iyo Hulugho oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa," ayay warbixinta ku dartay.

Ugu yaraan afar qof oo laba kamid ah ay yihiin macalin iyo cunug yar ayaa lagu khaarijiyey weerarka lagu beegsaday iskuulka ku yaala Sareedo.

Wararka qaarkood ayaa sheegay in afarta qof ee geeriyooday ay ahaayeen caruur yar oo dhiganeysay iskuulka, oo ah kuwa la seexdo.

Ciidamadda ammaanka ayaa toogasho ku dilay laba kamid ah dableyda weerarka ka dambeysay oo tiradooda ay gaareysay tobban dagaalame.

Bileyska ayaa tilmaamay in kooxaha hubeysan ay beegsaday anteenada shirkad isgaarsiineed balse ay ka hortageen.

Dhacdadaan ayaa noqoneysa middii labaad oo liddi ku amniga oo todobaad gudahiisa ay Al-Shabaab ka geysato gudaha Kenya kadib duulaankii ay ku beegsatay Manda Bay.

Sanadkii 2015-kii, Al-Shabaab oo bartilmaameedsatay Jaamacadda Gaarisa ayaa dishay 147 qof oo badankooda ahaa ardayda, waxaana dhacdadaas loo xukumay shaqsiyaad lagu helay dambiga.

Waa kuma Bilal?

Sidda ku cad warbixinta, Bilaal ayaa macalin dugsi Quraan kasoo noqday tuulooyinka lagu kala magacaabo Tumtish iyo Garabey.

Macluumaadka laga helay mukhaabaraadka ayaa muujinaya in sidoo kale shaqsigan uu inta badan hogaamiyo weerarada Al-Shabaab ka fuliso gobolka waqooyi ee dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

"Magaca uu ku dhex-leeyahay bulshadda ayaa u sahashay in uu maleego weeraro ka dhacay hareeraha Hulugho," ayay sheegeen baareyaasha, oo xusay in dableyda la shaqeysa qaarkood ay kamid ahaayeen ardaydiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM