Kenya oo sheegtay in ay dishay saddex ka tirsanaa Al-Shabaab

Image

NIAROBI, Kenya – Warbaahinta maxaliga ah ee dalka Kenya ayaa qoreysay in ciidamada wadankaasi ay toogteen saddex dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dilka xubnahaasi ayaa ka dambeeyay markii weerar jidgal ah oo loo adeegsaday Miino lala beegsaday cutubyo ka tirsan xoogaga qarankaasi.

Qaraxa ayaa caweysnimadii Isniinta wuxuu ka dhacay tuulada Kiunga oo ka tirsan gobolka Lamu, kuna sohdinta Soomaaliya.

Sidda ay wararku tibaaxayaan, qaraxa kadib is-rasaaseyn muddo socotay ayaa dhex-martay ciidamada iyo dagaalameyaasha hubeysan.

Khasaaraha dhanka ciidankada Kenya soo gaarey ayaa lagu tilmaamay dhaawaca laba sarkaal boolis oo xaaladoodu daran tahay.

Mas'uuliyiinta ayaa qeexay in askarta loola cararay isbitaal, isla markaana ay baaritaan ku wadan qaabka loosoo abaabulay weerarkaasi.

Dhinaca Al-Shabaab weli kama aysan hadlin dhacdadan oo kusoo aadeysa iyadda oo ay jireen mudooyinkii dambe digniin dhanka amniga.

Bilooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso xuduudka Soomaaliya-Kenya, kuwaasi oo badankooda waxyeela sababay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM