Kenya oo soo bandhigtay qaacido cusub oo ay ku cirib-tireyso Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday qaacido cusub oo ay kula dagaalameyso maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Istaraatiijiyadan cusub oo dhaqan-gelinteeda la faray laamaha ammaanka waxaa soo bandhigay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kenyatta ayaa tilmamay in xeeladan cusub ay ku beegsan doonan ilaha dhaqaale iyo dhamaan cid kasta oo maalgelisa ururkaas.

Isagoo Jimcadii wariyeyaasha kula hadlay Mombasa, Kenyatta ayaa tibaaxay in ay xayiraad dhaqaale saari doonan Al-Shabaab.

"Waxaa jira maalgeshino sharci darro ah oo Al-Shabaab loo sameeyo, waxaan filayaa in aysan dib dambe u dhici doonin," ayuu raaciyey.

Talaabada ay qaadeyso xukuumada Nairobi ayaa imaaneysa markii Al-Shabaab ay muddooyinkii dambe weeraro ka fulisay gudaha Kenya.

Ku dhowaad tobban weerar oo ay Al-Shabaab ka geysatay Kenya waxaa ku dhintay in ka badan 25 qof oo isugu jira shacab iyo askar.

Qaramada Midoobay ayaa horey u shaacisay in ay Al-Shabaab dhaqaale ka hesho ka ganacsiga dhuxusha iyo canshuuraha ay uruuriso.

Kenya ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii waxay kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo tirro ahaan gaaraya 2,600

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM