Kenya oo war kasoo saartey weerarka Saldhig ciidamada Mareykanka

Image

LAMU, Kenya - Militeriga Kenya ayaa war qoraal ah kasoo saarey goordhaw weerar culus oo saakay Al-Shabaab ku qaadey saldhig ciidamada badda Mareykanka ku leeyihiin gobolka xeebta ku yaalla ee Lamu.

"Saakay saacadu markii ay ahayd 5:30 AM ayaa la isku dayay in weerar lagu galo saldhiga Manda, balse waa laga hortagay si guul leh, waxaana goobta yaalla meydadka afar argagaxisada katirsan, saldhigga waa nabad hadda, oo wax dagaal ah kama socdo," ayaa lagu yiri qoraalka KDF.

Weerarka ayaa Al-Shabaab waxay sheegtay inay ku qabsatay qeyb kamida saldhigga, balse warkaas waxaa beeniyay dowladda Kenya oo qoraalkeeda ku xaqiijisay inaysan jirin dagaalyahano gudaha galay.

Militeriga Kenya ayaa sidoo kale sheegay in rasaas la riday ay waxyeello gaarsisay booyadda shidaal oo yaalla gudaha saldhiiga cirka oo ah mid aad u muhiim ah, islamarkaana ay ciidamada Mareykanka kasoo qaadi jireen weerarada ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dhinacyada soo gala gaarey, marka laga soo tago sheegashada KDF ee ah meydadka afar Al-Shabaab ay ay goobta ka haleen.

Weerarka waxaa lagu soo beegay xilli Mareykanka uu ku jiro feejignaan kadib markii Jimcihii uu ku dilay magaaladda Baqdaad ee caasimadda Iraq Jeneraal Qaasim Suleymani, oo ahaa madacii howlgallada dibadda ee dowladda Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM