Kenya oo xirtay sohdinta Soomaaliya xili go'aanka ICJ uu soo dhow yahay
NAIROBI, Kenya – Qaar kamid ah warbaahinta Kenya ayaa ku warameysa in dowladooda ay xirtay xuduudka kala dhaxeeya Soomaaliya, isla markaana la joojiyey ganacsigii ka dhaxeeyay halkaasi laga soo gudbin jiray.
Talaabadani ayaa waxay si gaar ah u quseysaa aaga degaanka Lamu, halkaasi oo sidoo kale ay ku xiran yihiin magaalooyinka Mandera, Wajir and Garissa oo dhaca sohdinta dalka leh xeebta ugu dheer dunida.
Sarkaal u hadlay ciidanka Booliska ayaa sababta soo dadejisay arrintani ku macneeyay "walaac ka dhanka amaanka ah" isaga oo xusay in kaliya saraakiisha loo ogol-yahay in ay ka gudbaan xuduudka.
"Arrinta joojinta ganacsiga xuduudka waxaa ay ku saabsan tahay agabyo sharci darro ah oo halkaasi laga soo geliyo," ayuu hadalkiisa daba dhigay.
Xiritaanka sohdinta oo noqonaya lugtii ugu dambeysay ee xiisada diblumaasiyadeed ee labada dal ayaa imaanaya bilooyin kahor inta aan lagu dhawaaqin xukunka muranka xuduud badeedka.
Kiiskan oo ah xudunta cilaaqaadka sii xumaanaya ee dowladahan ayaa waxaa uu horyaalaa Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee fadhigeedu yahay magaaladda Hague ee dalka Holand, qaaradda Yurub.
Kenya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay qaadey talaabooyin ka dhan ah Soomaaliya kuwaasi oo falanqeeyayaasha ku sifeeyeen cadaadis ay xukuumada Muqdisho ku saareyso si ay dacwada ula soo laabato.
Mas'uuliyiin Soomaaliyeed ayaa todobaadyo kahor loo diiday in ay galaan Kenya. Waxay wateen Baasaboor diblumaasi ah balse sidaasi oo ay tahay waxaa lagu xayiray garoonka Nairobi kahor inta aan lasoo musaafurin.
Intaasi waxaa wehlisay, Kenya ayaa soo rogtay in labada jeer la baaro diyaaradaha ka yimaada Muqdisho oo ah in lagu baaro garoonka Wajir kahor inta aysan ka degin magaaladda caasimada ah ee Nairobi.
Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabtay musaafurinta madaxda ayaa ku tartarsiisay Kenya in ay nabada ka shaqeyso isla markaana ay xeelad kale u adeegsato qaboojinta kala aragti duwanaanshiyaha.
GAROWE ONLINE