Kenya: Saraakiil loo xiray ajaaniib iyo darawalkooda oo la la'yahay

Image
Shaqsiyaadka la waayay oo u dhashay Hindiya ayaa qeyb ka ahaa ololihii doorashadda William Ruto.

NAIROBI, Kenya - Booliska Kenya ayaa Sabtidii sheegay inay xireen afar sarkaal saaxiibo ah oo lagu eedeeyay afduub iyo dilal sharci darro ah, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Afarta askari ee ka tirsanaa qeybta adeegga gaarka ah ee la kala diray, kana mid ahaa Agaasinka Dembi-baarista, ayaa waxaa looga shakiyay inay si toos ah ugu lug lahaayeen waayitaanka labo nin oo u dhashay India, Mohamed Zaid iyo Ahmad Khan iyo darawalkoodii reer Kenya, Nicodemus Mwania kuwaasoo cid ugu war dambeysay 24-kii Luulyo.

Labadan qof ee u dhashay dalka Hindiya ayaa ku sugnaa dalka Kenya iyaga oo qayb ka ahaa ol’olihii doorashada ee madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto kaasoo madaxwayne ku noqdey doorashadii 9-ka Agoosto.

Isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah, qareenka tuhmanayaasha Danstan Omari ayaa yiri "bilaysku waxay rabeen inay tuhmanayaasha ku soo oogaan af-duub, ku-xad-gudub xafiis iyo inay maleegayeen ayna dambi galeen".

Peter Muthee, oo ahaa madaxii qeybta booliiska ee hadda shaqada laga joojiyay, ayaa ka mid ah dadka la xiray ka dib markii dhammaan saraakiisha ay u yeereen koox ka tirsan booliiska qaranka Kenya Jimcihii.

Askartan ayaa lagu xiray magaalada caasimadda ah ee Nairobi, waxaana Isniinta todobaadkan la soo taago maxkamad. Kiiskan wuxuu  kamid yahay kuwa ugu culus ee xeerbeegtada Kenya soo maray.

Qeybta Adeegga Gaarka ah waxaa lagu eedeeyaa baad, afduub, jirdil, dil sharci darro ah, iyo dad badan oo la waayay. Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa muddo badan ku talinayey in la kala diro gabi ahaanba qeybtan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM