Kenya: Tirada dadka aan wax baran sanadkii 2019 oo lasoo bandhigay

Image

NAIROBI, Kenya – Tirokoobka dadweynaha iyo guryeynta ee Kenya laga sameeyay sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii ayaa lasoo bandhigay maxsuulka, gaar ahaan waxbarashadda.

Ugu horeyn, warbixinta ayaa lagu sheegay in 17.8 milyan ay iska diiwaan-geliyeen goobaha waxbarashadda.

Balse, tiradaas waxaa qalin-jebisay 11.6 milyan oo kamida, taasoo macnaheedu yahay in 6.9 milyan oo dadkaas ah ay dhexda kaga hareen waxbarashadda ama aysan dhameystiran.

Shaacinta layaabka noqotay ayaa waxay tahay in 7.1 milyan oo dadka Kenya ah aysan xaadirin iskuuladda.

Tiradda dadka dhigtay Jaamacadaha waa 1.3 milyan, halka wadar ahaan dugsiyadda hoose, dhexe iyo sarre ay gaareyso 16.7 milyan.

Kenya ayaa lagu sheegay mid kamid ah dalalka ay ka jiraan nidaamka waxbarasho ee ugu fiican caalamka gaar ahaan Afrika.

Soomaalida oo sanadihii u dambeeyay ay xoogeysatay saameyntooda bulsho iyo siyaasad ahaan ee Kenya ayaa safka hore kaga jira dadyogw camira goobaha waxbarashada wadankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM