Kenya: Wasiir hore oo xabsi loo dhigay inuu musuqay $17 milyan

Image
Mr Balala ayaa 12 sano soo noqday wasiirka dalxiiska saddex dowladood oo xiriir ah.

NAIROBI, Kenya - Wasiirkii hore ee Dalxiiska dalka Kenya ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana la horgeeyay maxkamad, kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Najiib Balala, iyo saraakiil kale oo horay xilal uga soo qabtay, ayaa lagu eedeeyay inay sicir-barar ku sameeyeen mashruuca lagu dhisayo kulliyadda dalxiiska.

Balse, Balala wuxuu dafiray eedeymaha ku saabsan ku takri-falka xafiiska ee la xiriirta lacag bixin aan joogto ahayn oo qiimaheedu dhan yahay $21m (£17m), sidda uu wariyay wargeyska Nation.

Waa wasiirkii hore ee ugu horreeyay ee la xiro tan iyo markii William Ruto loo doortay madaxweynaha sannadkii hore. Ruto wuxuu bilaabay olole ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Mr Ruto ayaa wuxuu xafiiska yimid isagoo wacad ku maray inuu la dagaalami doono musuq maasuqa oo in muddo ah loo arkayay inuu dhibaato ku yahay dalka Kenya.

Mr Balala ayaa 12 sano soo noqday wasiirka dalxiiska saddex dowladood oo xiriir ah, isagoo xilka ka dagay 2022 markii uu xilka ka tagay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM