Kenya oo diidey dalab ka yimid Mareykanka kana dhan ah Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa markii ugu horeysay wuxuu si rasmi ah uga jawaabay wararka tilmaamaya in Mareykanka rabo in uu gudaha dalkaas ku duqeeyo xoogaga Al-Shabaab.

Wareysi uu siiyey telefishinka France 24 ayuu daaha kaga rogay in aysan marnaba ogolaan doonin talaabadaas, wallow uusan sababeyn.

Sidda laga soo xigtay Uhuru, illaa hataan ma jiro dalab rasmi ah oo kaga yimid Washington, balse xataa hadii lasoo hor-dhigi ma aqbali doono.

"Wuxuu si xoogan u beeniyey wararka sheegaya in milatariga Mareykanka raadinayo amar ay gudaha Kenya kaga fuliyaan duqeymo cirka oo ay qaadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Wuxuu ku nuux-nuux-saday hadii uu u yimaado codsi noocaas in uu diidi doono," ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee telefishinkaan fadhigiisu yahay waddanka France.

Kenyatta oo ku adkeystay in ay hoos u dhigi dhigeen halista kooxaha argagixisada ayaa qirtay in Al-Shabaab wali ku tahay khatar balaaran.

"Isaga [Uhuru Kenyatta] wali ma uusan go'aansan waqtiga uu ciidamada Kenya kasoo saarayo Soomaaliya," ayay raacisay warbixinta.

Wargeyska New York Times ayaa bil kahor baahiyey warbixin uu ku sheegay in Taliska Milatariga Mareykanka uu xusul-duub ugu jiro sidii uu gudaha Kenya ugu duqeyn lahaa Al-Shabaab si halisteeda loo yareeyo.

Saraakiil ka tirsan Waaxda Difaaca iyo taliska AFRICOM ayuu kasoo xigtay in ay dalabkaan u cuskanayaan "maadaama khatarta Al-Shabaab sii kordheyso" ayna beegsatay saldhigyo kala duwan oo ciidamadda Ameerikaan leeyihiin.

AFRICOM oo haatan Al-Shabaab ku beegsato gudaha Soomaaliya ayaa meelaha ay kasoo duulaan diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn waxaa kamid ah xeradda Manda Bay ee ku taala ismaamulka Lamu ee waqooyi Bari Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM