Khabiir u dhashay Hindiya oo lagu dilay duleedka caasimada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dabley hubeysan ayaa lagu waramayaa in muwaadin u dhashay Hindiya waxay ku dishay duleedka magaala madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.

Goobjoogeyaal ayaa tilmaamay in marxuumka, Sukhdev Gupta¸ lagu khaarijiyey aagga Debrezeit oo 45 KM u jirta caasimada dalka aan badda lahayn ee Geeska Afrika.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha hubeysan ay horey u sii qaateen agabyo uu lahaa Marxuumka oo uu ku jiro talafoonkiisa.

Mr Gupta ayaa la sheegayaa in uu u shaqeynayay shirkadda Kanoria Textile Africa taasoo aanan wali ka hadlin dhacdadani.

Safaaradda Hindiya ee Addis Ababa ayaa xaqiijisay dhimashadda Mr Gupta oo ay ku tilmaamtay "geeri naxdin badan".

Laamaha amaanka illaa iyo hadda wax war ah kama aysan soo saarin falkan oo aysan sidoo kale jirin cid loosoo qabtay.

"Reerkiisa oo aan u tacsiyeynayo waxay naga sugayaan in aan si degdeg ah ugu wareejino meydkiisa," ayay safaaraddu raacisay.

Sikastaba h ahaatee, waa falkii labaad oo lagu beegsado ajaaniibta. Bilooyin kahor laba maalgeshato oo u kala dhalatay Hindiya iyo Japan ayaa lagu dilay dhulka Oromadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM