Kenya oo sheegtay in ay dishay afar lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Afar lagu tuhmay ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay iska hor-imaad ay booliska kula galeen dowlad goboleedka Wajeer ee waqoyga dalka Kenya, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Dagaalka oo aroornimadii saaka ka dhacay tuulada Kakabey, taasoo u dhaxeysa degaanada Qarsa iyo Ausmudule, waxaa ku dhaawacmay tirro kamid ah askarta booliska, sidda ay qortey The Nation.

Taliyaha Booliska ismaamulka Wajeer, Thomas Ngeywa, ayaa wuxuu xaqiijiyey in shilkaas uu dhacay abaare afartii habeenimo.

"Ciidamada oo roondo ku jira waxaa soo weerarey maleeyshiyaadka fadhigoodu yahay Soomaaliya. Meesha ay wax ka dhaceen waxay 8 KM u jirtaa xadka Soomaaiya iyo Kenya," ayuu caddeeyay.

Mr Ngeywa ayaa ka gaabsaday in uu carabaabo tiradda saxda ah ee ciidamadooda uga dhaawacantay iska hor-imaadkaas.

"Ma xaqiijin karo tiradda khasaaraha, balse waxaan ognahay in aan tooganay afar dableyda ah," ayuu ku adkeystay. Balse, warar aan la xaqiijin waxay tilmaamayaan in laba askari oo bileyska ka tirsan la dhaawacay.

Dhacdadaan ayaa imaaneysa xili gobolkaan dhaca waqoyga Kenya uu muddooyinkii u dambeeyay dhexda uga jiray xaalado degan, marka laga reebo cabsida faafitaanka fayruska dilaaga ah ee Corona.

Bishii Janaayo 13-keeda ayay ahayd markii saddex macalin ah la dilay kadib markii dabley looga shakiyey Al-Shabaab ay weerareen xaruntooda. Falkaas wuxuu sababay in barayaasha laga saaro guud ahaan gobolkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM