Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Ugu yaraan shan sarkaal boolis Kenyan ah ayaa ku dhaawacmay qarax Miino oo Axadii lagula eegtay ismaamulka Mandera ee ku teedsan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, sidda uu wariyey GTN.

Rono Bunei, taliyaha booliska gobolka Waqooyi-Bari oo xaqiijiyey weerarka, ayaa sheegay in askarta ay galbinayeen basas rakaab ah oo isaga kala goosha ismaamulka Mandera iyo magaala madaxda waddanka ee Nairobi.

Sidda laga soo xigtay Bunei, laba kamid ah saraakiisha ayaa xaaladoodu degan tahay, halka saddexda kale ay xaaladoodu liidato waana la dhayayaa.

Bunei ayaa xusay in qaraxa uu ahaa Miino lagu aasay inta u dhaxeysa tuulooyinka Jabibar iyo Rhamu ee Mandera, waxaana dulmay mid kamida basaska.

Ciidamo gurmad ah ayuu ka dhawaajiyey in loo daabulay meesha ay wax ka dhaceen si ay u qiimeeyaan xaaladda ugana hortagaan weeraro.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, balse waxaa aagaas weerarada noocaan ah ka fuliya dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Kenya ayaa sohdin la leh Soomaaliya waxaana xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay halkaas ka fuliyaan weeraro ay ku beegsadaan ciidamadda, iyagoo xilliyadda qaar geystay fal afduub ah si ay lacag uga sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM