Kiisaska cudurka Covid-19 ee gudaha Jabuuti oo kor-u-dhaafay laba kun

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Jabuuti ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 223 kiisas cusub oo ah safmarka Covid-19, taas oo wadarta xaaladaha xanuunka ee dalkaas ka dhigeysa 2,270.

Bukaanada cusub oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxay kamid yihiin 941 oo lagu baarey sheybaarka yaala magaala madaxda Djibouti City.

Illaa iyo haatan, Jabuuti ayaa xanuunka ka baartay 22,097 ruux. Tiradda dhimashadda waxay mareysaa tobban, bogsashadana 1,064.

Jabuuti oo kamid ah dalalka Geeska qaaradda Afrika ee sidda ba’an uu u saameeyay cudurka ayaa sababta lagu sheegay ajnabiga oo ku badan.

Kiisaskii ugu horeeyay ayaa ahaa saraakiil ciidan oo kasoo jeeda Spain. Wadankaas dhaca qaaradda Yurub waxaa laga helay kumanaan kiisas.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Jabuuti ay bukaanadda qaba ku dhabiibto daawadda Maleeriyadda.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ayaa tibaaxday in daawadaas aysan xaqiijin haddii ay badbaadin karto shaqsiyaadka uu soo rito caabuqa faafa. Balse, madaxweynaha Mareykanka wuxuu dhiirageliyey adeegsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aamusnaanta Midowga Afrika ee qorshaha Masar ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya oo su’aalo dhalisay

Qorshaha ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayaan loollanka istaraatiijiyadeed ee Masar iyo Itoobiya.

  • Afrika

    26-10-2026

  • 05:20AM

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM