Kiisaska fayruska Corona ee dalka Jabuuti oo kor-u-dhaafay 800

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Jabuuti oo war qoraal ah soo saartay ayaa ku dhawaaqdey in kiisaska Coronavirus ee dalkaas ay dhaafeen 800.

Bayaanka ayaa lagu shaaciyey in xaaladaha cusub ee kaliya maanta la diiwaan-geliyey ay gaarayaan 114 kiis, taas oo wadarta guud ka dhigtay 846 [sideed boqol, afartan iyo lix].

Illaa iyo haatan, waxaa caabuqan uu dilkaas ku dilay dad ay tiradoodu dhan tahay laba. Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, intaas waxaa wehlisa in ay kasoo bogsadeen 102.

Jabuuti ayaa ah waddanka ugu badan ee dhaca Geeska Afrika ee kiisaska ugu badan ee xanuunkaas laga diiwaan-geliyey. Saadaashu waxay tahay in ay intaas kasii badan karaan.

Dowladda ayaa soo rogtay amar dadka faraya in ay joogaan guriyahooda si looga fogaado faafitaan horleh oo cudurka ku dhex-sameeyo bulshada, taas oo haatan muuqaneysa.

Covid-19 oo aan daawa lahayn ayaa bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay wuxuu ka dilaacay magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha, halkaas oo haatan laga ciribtiray.

Tan iyo markii uu soo if-baxay, wuxuu ku dhacay in ka badan laba milyan oo qof; wuxuu dilay in ka badan 160-kun guud ahaan caalamka. Dadka ka bogsoodey ayaa dhaafaya 600 oo kun.

War-saxaafadeedka

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM

Aamusnaanta Midowga Afrika ee qorshaha Masar ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya oo su’aalo dhalisay

Qorshaha ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayaan loollanka istaraatiijiyadeed ee Masar iyo Itoobiya.

  • Afrika

    26-10-2026

  • 05:20AM