Kolanyada madaxweyne ku xigeenka Kenya oo dishay wiil 7-jir ahaa

Image

NAIROBI, Kenya – Mid kamida kolanyadda madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa Sabtidi degaanka Budalangi ee is-maamul goboleedka Busia ku dishay wiil 7-sano jir ahaa.

Cunugan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Sidney Mambala Felix kaasoo oo geeridiisa ay si weyn uga naxeen qoyskiisa, sidda ay warineyso warbaahinta maxaliga ah.

Kadib markii ay soo if-baxday sheekadani, Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu tacsi tiiraanyo leh uu ugu diry reerka iyo asxaabta marxuumka.

"Aad ayaan uga murugooday markan shilkan maqlay. Qaraabadiisa oo aan la hadlay waxaan u xaqiijiyey in aan garab-taagan nahay, ALLE ha u naxariisto," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in shilkan uu dhacay afartii subax-nimo daqiiqo kadib markii uu Ruto kasoo baxay Dugsiga Hoose ee uu dhigan tahay Marxuumka.

Rosemary Adema, aabaha dhalay cunuga dhigtay, ayaa u sheegay saxaafadda in dhimashada wiilkiisa ay u ahayd "mid wadnihiisa si weyn u taabatay".

Gaariga shilka ku lug-yeeshay ayaa la sheegay in ay la socdeen kooxda warbaahinta u qaabilsan Ruto, inkasta oo aaney kala caddeyn hadii darawalkii xabsi la dhigay uuna caddaalada wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM