Koonfur Afrika: Walaalo mataano ah oo xukun adag lagu riday

Image
Tony-Lee Thulsie iyo Brandon-Lee Thulsie, oo labaduba 28 jir ah, ayaa lagu xiray Koonfur Afrika bishii Luulyo 2016

CAPE TOWN, South Africa - Maxkamad ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa maanta oo Isniin ah xukun ku ridday labo wiil oo mataano ah oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay weerarro ku qaadaan safaaradda Mareykanka ee Pretoria ayna ku biiraan kooxda Daacish, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Tony-Lee Thulsie iyo Brandon-Lee Thulsie, oo labaduba 28 jir ah, ayaa lagu xiray Koonfur Afrika bishii Luulyo 2016, waxaana lagu hayaa xabsiga tan iyo xilligaas.

Walaalahan reer Koonfur Afrika ayaa qirtay dambiga horraantii Isniintii, taasoo qayb ka ahayd wadaxaajoodyo ay la galeen dacwad oogayaasha, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Saacado kadib qiraalkaas ay sameeyeen, maxkamada sare ee Johannesburg ayaa Tony-Lee ku xukuntay 11 sano oo xarig ah, halka Brandon-Lee lagu xukumay sideed sano.

Labaduba waxa ay qirteen dambiga ah in ay u safreen Suuriya si ay ugu biiraan IS, sida ay sheegtay warbaahintu. Tony-Lee ayaa sidoo kale qirtay inuu qorsheynayay weerar argagixiso oo ka dhaca Koonfur Afrika, ayay raaciyeen.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in sidoo kale la qorsheeyay weeraro ka dhan ah diblomaasiyiinta Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka ama Faransiiska ee jooga Pretoria, iyo sidoo kale xarumaha Yuhuuda.Maraykanka ayaa labadan qof ku daray liiska madow ee argagixisada sannadkii 2017-kii.

Xariga walaalahan sanadkii 2016-kii ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee Koonfur Afrika ka dhaca oo la xiriira ururka argagixisada ah. Koonfur Afrika ayaa ilaa hadda ka badbaadday weerarrada jihaad doonka ah ee hareeyay waddamo dhowr ah oo ka tirsan qaaradda oo ay ku jirto bariga dalka ay deriska yihiin ee Mozambique.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM