Koox Kenyan ah oo lacago badan ka xadey maamulo ka tirsan Mareykanka
NAIROBI, Kenya – Koox Kenyan ah ayaa maamulo ka tirsan Mareykanka ka dhacdey in ka badan Shan boqol oo kun oo dollar markii ay iska dhigeen howlwadeeno ka tirsan shirkad IT-ga qaabilsan oo caan ah.
Wargeyska Washington Post oo kamid kuwa ugu afka dheer Mareykanka ayaa wuxuu ku waramaya in Robert Muli, 60-jir soogalooti ah kuna nool gobolka Ohio, uu qirtay in uu ka qeyb-qaatay falkaasi xatooyadda ah.
Maxkamad heer federaal ah oo ku taala Alexandria ayuu Isniintii u sheegay in dowlad goboleedyadda ay lacagta ka dhaceen ay kamid yahay Vermont si lamid ah magaalooyinka Philadelphia iyo Detroit.
Joornaalka ayaa wuxuu intaasi ku daraya in kooxdan ay falkan geysatay iyaga oo gacan ka helaya kuwa kale oo gudaha Kenya ku sugan isla markaana ay lacagta ku qaateen qaab Online ah.
Kooxda uu kamid yahay Muli ayaa la sheegayaa in markii ay lacagta la baxeen ay ku kala qeybiyeen xisaabyo kala duwan.
Falkan burcadnimada ayaa wuxuu dhacay intii u dhaxeysay bilihii August iyo September ee sanadkii 2018-kii.
Sheekaddu waxay soo if-baxdey ka gedaal markii shirkadda ay sheegtay in aysan lacagta helin isla markaana ay walaac muujisay.
Muli oo ah qofka kaliya ee maxkamad loosoo teegay gal-dacwadeedkan ayaa waxaa la filayaa in xukun lagu rido 4-da bisha October ee sanadkan, wuxuuna wajhi karaa in ka badan 20-sano oo xabsi ah.
Sikastaba ha ahaatee, wadarta guud ee lacagta ay boobeen raggaasi qaarkood wali lagu raad-joogo ayaa waxaa la sheegayaa in ay gaareyso 589,077.00 oo dollar-ka Mareykanka ah.
GAROWE ONLINE