Ku dhowaad 200 qof oo ku naf-wayaay duufaan ku dhufatay Malawi
BLANTYRE, Malawi - Ugu yaraan 190 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen 584 kalena la la’yahay ka dib markii duufaan loogu magacdaray Freddy ay ku dhufatay gobolka koonfureed ee Malawi 12-kii Maarso 2023.
37 qof kale ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen musiibadan.
"Dhimashadu oo ka kacdey 111 subaxnimadii Talaadada ayaa gaartay 190 iyadoo 584 ay ku dhaawacmeen," ayuu Guddoomiyaha Waaxda Maareynta Masiibooyinka Charles Kalemba u sheegay Anadolu.
Kalemba ayaa intaas ku daray in 13,099 qoys ama 58,946 qof ay saamaysay, kuwaas oo 4,305 qoys ama 19,371 qof ay barokaceen, iyadoo 57 xero loo diyaariyey in la dejiyo dadka soo barakacay.
Gudoomiyaha ayaa caddeeyay in hay’adda, saaxiibadda bini’aadantinimada iyo goleyaasha dowladda ay sii wadi doonaan fududeynta gargaarka la siinayo qoysaska ay dhibaatadu saameysey iyo kuwa soo barakacay.
Dhanka kale, duufaanta kulaylaha ah ee Freddy ayaa ku dhufatay Mozambique Sabtidii, iyada oo jeexjeexday saqafyada sare ee guriyaha ka hor inta aysan u guurin Malawi, halkaas oo uu ka da'ay roob xooggan oo horseeday dhoobo.
Iskuullada ayaa la hakiyay illaa iyo 17-ka Maarso. Malawai waxay sidoo kale la tacaaleysaa daacuunkii ugu xumaa iyadoo in ka badan 1,630 ay u dhinteen cudurka dillaacay Talaadadii.
Ugu yaraan 136 dhimasho ah ayaa la diiwaan geliyay tan iyo markii duufaantu dhacday bishii Febraayo, taasoo sababtay saameyn wadajir ah oolaga dareemay wadamadda kala ah Madagascar, Mozambique iyo Malawi.
GAROWE ONLINE