Ku dhowaad 700 qof oo u dhimatay cudur ka dilaacay Zambia

Image
In ka badan 19,000 oo qof ayuu ku dhacay xanuunkan tan iyo markii uu soo shaac-baxay bishii Oktoobar 2023-kii.

NAIROBI, Kenya - Tirada dhimashada cudurka daacuunka ee Zambia ayaa gaartay ku dhawaad ​​700 ruux, sida ay sheegtay hay'adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF).

Waa tiradii ugu badnayd ee abid dalka laga diiwaan geliyo. Waxay ka bilaabatay caasimadda Lusaka, bishii Oktoobar, tan iyo markaas waxay ku fiday dhammaan gobollada Zambia oo uu ku dhacay in ka badan 19,000 oo qof.

MSF waxa ay sheegtay in daacuunka si fudud loo daweeyo - fuuq-celinta - laakiin haddii aan la helin daryeel habboon uu qofku ku dhiman karo saacado yar gudahood.

Cudurka ayaa waxaa sababa biyaha wasakhaysan, sidaas darteed helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbo ayaa muhiim u ah joojinta sii faafitaanka, sidda ay ku taliyeen inta badan khuburadda caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM