Ku xigeenka madaxa NISA oo kamida xubno ay Kenya xayiraad kusoo rogtay
NAIROBI, Kenya – Iyaddoo bilooyin kadib lagu dhawaaqayo xukunka Maxkamadda Caddaalada Dunida ee kiiska dacwada xuduud badeeda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa soo if-baxaya arrimo ka dhan ah go’aankaasi.
Xukuumadda Nairobi oo gebi ahaanba dacwadaasi taasoo Muqdisho gudbisay kasoo horjeeda ayaa dalka deriska ay yihiin waxay ku cadaadineysaa sidii uu uga laaban lahaa, taasoo dhowr jeer laga naqdiyey.
Joornaalada ugu afka dheer waddankaasi xorriyadiisa ka qaatay Ingiriiska ayaa waxay daabaceen in dowladda dalkaasi ay xayiraado dhanka socdaalka ay kusoo rogtay xubno ay ku jiraan mas'uuliyiin Soomaaliyeed.
Wargeyska The Standard oo tirada xubnahaasi ku sheegay 66-xubnood balse sababo jira awadeed u khariyey magacyadooda ayaa waxa uu sheegay in uu ku jiro ku xigeenka hay’adda sirdoonka Soomaaliya.
Jagadaasi waxaa haatan u haya dowlada federaalka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo sidoo kale ah gacanta midig iyo ninka ugu saameynta xukuumada uu hogaamiyaha ka yahay madaxweyne Farmaajo.
Mr Fahad oo sidoo kale maxkamadaha Kenya ay ka taalo dacwad ayaa loo haystaa sida uu ku helay dhowr aqoonsi oo waddankaasi, isaga oo adeegsanaya magacyo kala duwan, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga.
Warbixinta ayaa shaacisay in xubnahaasi ay kamid yihiin; wasiir ka tirsan xukuumadda Khayre, ra'iisul wasaare hore, Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo mulkiilayaal shirkado is-gaarsiin.
Majaladda ayaa intaasi raacisay in muwaadin Kenyan ah balse asal ahaan Soomaali ah kuna heeb ah madaxweyne Farmaajo uu sidoo kale ku jira liiskaasi ay Kenya ka mamnuucay in ay cagta soo geliyaan waddankeeda.
Arrimahaan ayaa imaanaya iyadda oo xiisada diblumaasiyadeed ee labadda dowladood ay cirka isku sii shareerayso isla markaana beesha caalamka si gaar ah Midowga Afrika uu umuuqdo in uu ka gaabsano.
Xiisada oo sii kululaatay bishii hore ayaa timid markii Kenya ay dalkeeda u diiday in galaan mas'uuliyiin Soomaali ah, joojisayna duulimaadka tooska ee Muqdisho-Nairobi ayna sameysay howlgalo ka dhan ah xawaaladaha Soomaalida.
Xukuumada Muqdisho oo jawaab daciif ah bixisay ayaa kaliya muujisay walaac, iyadda oo sheegtay in ay ka dhowr-sugeyso go’aanka Maxkamada Cadaalada Aduunka oo bisha September la filayo.
GAROWE ONLINE