Laba qof oo midkood uu ajnabi yahay oo lagu qabtay walxo qarxa

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidanka la dagaalanka argagixisada ee Kenya oo fiidnimadii xalay howlgal ka sameeyay magaaladda Eldoret ayaa lagu waramay in ay gacanta kusoo dhigeen laba shaqsi oo watay walxo qarxa.

Maxamed Axmed Bashiir, oo 59-sano jir ah, iyo Nasanga Ibrahim, oo 68-jir ajnabi ah, ayaa loo dhaadhiciyey xarunta dambi-baarista.

Sidda ay warisay warbaahinta gudaha, agabka lagu soo qabtay raggaan waxaa kamida; fusuuyadda loo adeegsado qaraxa, fiilooyinka lagu rakibo iyo baaruud. Dhamaan waxaa la wareegay ciidamadda.

Taliska Hay'adda Dambi-baarista oo sheegay in Ibraahim uu ajnabi yahay ayaa tibaaxay in ay baaritaano ku bilaabeen labadooda.

"La tuhunsaneyaasha waxay ku jiraan xabsi sharci ah, baaritaan ayaana socday. Illaa iyo haatan, ma cadda ujeedkooda," ayuu xusay.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayay ahayd markii ciidanka ay ismaamulka Kiambu ku qabteen shan ruux oo ay ku jirto haweenay, saddex kamid ahna ay Soomaali yihiin, kuwaasoo watay gaari iyo walxo qarxa.

Bishii Maaj ee isla xagaagan, Mareykanka ayaa ka digay weeraro ay Al-Shabaab ku beegsato xarumo waaweyn oo Nairobi ku yaala.

Kenya ayaa weerarada argagixisada ku weysay 83 muwaadin 2019-kii; sanadkii kasii horeeyay waxaa kaga dhintay 56, waxaana halkaas ka muuqda sarre u kac 20 boqolkiiba ah, sidda laga soo xigtay xarunta daraasaadka Chrips.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM