Laba qof oo Soomaali ah oo lagu xiray garoonka diyaaradaha Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamadda ammaanka Kenya ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta waxay ku xireen laba qof oo Soomaali ah, sidda ay ku warantay wargeyska afka dheer ee Daily Star.

Shaqsiyaadka xorriyadda laga qaadey oo lagu kala magacaabo Barre Aadan iyo Cusmaan Maxamed ayaa waxaa la wariyey in Isniinta maanta ah lagu qabtay madaarka iyagoo sita Khaad qalalan oo cusub.

Waaxda Dambi-baarista ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda gaarka ah ee Twitter-ka waxay ku shaacisay in Barre uu boorsadiisa ku watay maandooriye culeyskiisa uu gaarayo 20 kiiloo-garaam.

Sidda laga soo xigtay warbixintaas, Cusmaan dhankiisa waxaa boorsadiisa laga helay Khaad culeyskiisu dhan yahay 5 kiilo garaam.

"Labadooda waxaa lagu soo oogi doonaa dacwad ah in ay dhoofinayeen badeeco la mamnuucay, sidda uu xeerinayo Xeerka Maamulka Kastamka ee Ururka Bulshada Afrika," ayaa la raaciyey bayaanka.

Xeerkaas ayaa dhigaya in qofkii lagu helo fal-dambiyeedkaas lagu xukumi karo ugu yaraan shan [5] sano oo xabsi ah ama ganaax lagu saleynayo qiimaha badeecadaas iyaddoo lagu dhufayo sintigii.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey waddanka uga mamnuucay maandooriyahaan sabab la xiriirta Coronavirus. Talaabadan waxay culeyska ku kordhisay hogaanka Kenya kuwaasoo isku dayay qaab walba oo lagu qaadi karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM