Lacagta ku baxaysa xafladda dhaarinta Ruto oo la shaaciyey

Image
Hanti dhowrka guud ee Kenya ayaa soo bandhigay wadarta cadadka loo qoondeeyay munaasabaddan.

NAIROBI, Kenya - Hanti dhowrka guud ee Kenya ayaa sheegay in $1.6 milyan loo qoondeeyay xaflada dhaarinta madaxweynaha la doortay William Ruto todobaadka soo socda gaar ahaan 13-ka September.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii maxkamada sare ay taageertay guushii Ruto uu ka gaaray doorashadii Isniintii ka gadaal markii hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu qaadacay.

Maxkamada sare ayaa meesha ka saartay codsi uu u gudbiyay ra’iisul wasaarihii hore Odinga kaas oo ka soo horjeestay ku dhawaaqista in Dr Ruto inuu yahay madaxweynaha la doortay kadib doorashadii guud ee dhacday 9-kii Ogosto.

Dastuurka Kenya ayaa waxa uu dhigayaa in Madaxweynaha la doortay la dhaarin doono 7 maalmood kadib markii Maxkamadda Sare ay taageerto guusha doorashada kadib.

Marka la dhaariyo Madaxweynaha la doortay, ku xigeenkiisa ayaa sidoo kale waxaa la dhaarin doonaa xafiiska kadibna waxaa la filayaa in uu xilka kala wareego Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kenyatta ayaa, sidda uu xeerinayo dastuurka waddanka Kenya, waxaa lagu waddaa in dhaarta kadib uu agabka awooda sida Dastuurka iyo seefta awooda ku wareejiyo madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha xilka ka degaya ayaa intaa kadib u amba bixi doona Aqalka Madaxtooyada si uu si rasmi ah ugu wareejiyo xilka Madaxweynaha. Ruto ayaa kadib waxaa u bilaaban doonta muddo xileedkiisa koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM