Lemma Megerssa: Wasiirka Difaaca Itoobiya oo xabsi guri la geliyey

Image

Addis Ababa, Ethiopia - Wasiirka difaaca Itoobiya, Lemma Megerssa ahna mid kamid ah saaxiibadda mudada dheer ee ra'iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa xabsi guri la geliyey, sidda ay tabisay saxaafada maxaliga.

Wargeyska afka dheer ee Addis Standard ayaa illo wareedyo uusan magacyadooda shaacin kasoo xigtay in ay xaqiijiyeen in Megerssa Talaadadii "lagu amray in uu hoygiisa baaqi ku ahaado illaa amar dambe".

Bishii April sanadkii 2019-kii ayaa loo magacaabay xilkaas. Kahor jagadaas, waxaa cod wadar ogol ah ku doortay golaha dowlad degaanka Oromada in uu noqdo madaxweynaha gobolkaas sanadkii 2016-kii.

Xiriirka kala dhaxeeya Abiy ayaa hoos u dhacay markii uu si furan u dhaliilay isbedelka uu xisbiga talada haya ku sameeyay wasiirka koowaad ee Addis Ababa, taasoo soo shaac-bixisay khilaafkooda.

Xiisadda ayaa sii xoogeystay kadib shirqoolkii lagu dilay fanaankii caanka ahaa ee Haccaaluu Hundessa. Wararku waxay tibaaxayaan in Abiy uu ku eedeeyay Lemma in uu xiriir la leeyahay Jawar Maxamed.

Jawar oo ay xulafo ahaayeen Abiy ayaa haatan xabsi ku jira. Wuxuu hormuud u yahay ololaha looga soo horjeedo Abiy Axmed, kaasoo ay wadaan qayb kamid ah bulshadda uu kasoo jeedo ee Oromada.

Kormeereyaasha oo aaminsan in siyaasadda Itoobiya ay daaha gedaashiisa ka holceyso ayaa cabsi qaba in ay qaraxdo, arrintaas oo ay sheegeen in ay ka dhalan karto isku dhacyo galaafta nolosha dadyow badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM