Habraaca ay ciidanka Kenya uga baxayaan Soomaaliya oo lsoo bandhigay

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa waxay dejisay qariiradda ay ciidamadeeda ugala baxeyso gudaha Soomaaliya oo ay joogaan tan iyo sanadkii 2011-kii, sidda uu ku waramay wargeyska afka dheer ee Daily Nation.

Istaraatiijiyaddan oo ka kooban lix mar-xaladood waxaa ugu horeysa in la abuuro xaalado ay ciidanka AMISOM uga hayaami karaan Soomaaliya oo ay kamid tahay dib-u-habeynta ciidanka qaranka.

Tani waxaa barbar socota in la suurtageliyo in ciidamadda ammaanka Soomaaliya ay hogaamiyaan howlgaladda nabadeynta.

Tiirka labaad waa in la abuuro xasilooni, nabad iyo barwaaqo ka dhacda Jubbaland isla markaana lasoo afjaro joogitaanka dagaalameyaasha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysta degaanadda miyiga.

Sidda ku xusan warbixinta, shuruuda saddexaad waa in la helo hab maamul lagu xaqiijiyo ammaanka xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan kormeerid, darbiyo isku xira, wadooyin iyo godad ammaan.

Xeeladda afaraad ayaa ah in la xoojiyo howlgaladda wadajirka ah iyo xarumaha xakameynta ee magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Wajir, Moyale, Busia, Namanga, Lamu iyo Lokichoggio.

Jaraa'idka ayaa intaas raaciyey in tiirka shanaad uu yahay iskaashi iy heshiis xoojinaya oo dhanka nabad-gelyadda guud ah oo dhexmara dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

"Tani waxaa qayb ka ah ciidamo isku dhaf ah oo dalalka Geeska Afrika sameystaan iyaddoo loo marayo urur goboleedka IGAD iyo EAC [ururka bulshadda bariga Afrika]," ayuu joornaalku raaciyey.

Tiirka ugu dambeeya isla markaana kamid noqon kara kuwa ugu muhiimsan waa in leyska kaashado soo afjarida xagjirnimadda, iyaddoo loo marayo la shaqeynta dadweynaha oo wacyigelin la siinayo.

Tan iyo markii ciidamadda Kenya ee KDF ay soo galeen gudaha Soomaaliya, Al-Shabaab ayaa wadankaas ka fulisay weeraro argagixiso oo ay ku dishay dad shacab ah iyo saraakiil, taas oo sarre u qaaday walaaca dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM