Tuhunka ku wareegsan Al-Shabaabka Soomaaliya iyo Mozambique
KAMPALA, Uganda – Koox hubeysan oo Islaami ah lana magac-baxdey Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay la arkayay iyaddoo howlgallo Jihaad-aloosnimo ah ka fulineysa gudaha waddanka Mozambique.
Maleeyshiyaadkaas qabsaday magaalooyin dhowr ah oo qaarkood ay ku jiraan kheyraad ayaa wali si furan u sheegin in ay gacansaar la leeyihiin Al-Shabaabka ka howlgala Soomaaliya, balse waxaa laga muujiyey tuhun.
Xilli dowlada Soomaaliya aysan wali ka falcelin, dhigeeda Kenya ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay is-balaarinta argagixisadda.
Wasiirka Gaashaandhiga Kenya, Monica Juma oo u warantay wargeyska The Nation, ayaa ka dhawaajisay in Al-Shabaab iyo falaagada Boko Xaraam ee ka dagaalanta Nigeria uu ka dhaxeeyo wada-shaqeyn culus.
"Waxaan arkeynaa in ay raad kusii yeelaneyso koonfurta illaa Mozambique, laga yaabaa in ay sii socon karta oo ay sii gaaraan bariga Congo. Sidaas daraadeed, ma ahan maleyshiyo dab yar shideysa," ayay tibaaxdey.
Juma oo qirtay in Al-Shabaab ay tahay khatarta ugu weyn ee amniga Kenya ayaa taas bedelkeeda waxay ku adkeystay in ay kala siman yihiin wadamada kale ee ku yaala Geeska qaaradda Afrika iyaddoo ku talisay iskaashi.
Tan iyo markii ciidamadeeda ay ku biireen howlgalka AMISOM, dowladda Kenya ayaa la tacaaleysay weeraro ay gudaha dalkaas ka fuliso Al-Shabaab kuna beegsato goobo ganacsi, xarumo dowladeed iyo ciidamada.
Todobaadkii hore, in ka badan shan ruux ayaa ku dhaawacmay markii dabley Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen gaari rakaab oo ku socdaalayey gobolka waqooyi bari. Falkaas wuxuu yimid markii laga dilay xubno.
GAROWE ONLINE