Maal-qabeenka ugu da’da yar Africa oo lagu afduubtay Tanzania
TANZANIA - Dabley aan la aqoon ayaa ka afduubtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania Bil-yineerka ugu da’da yar Qaaradda Afrika, sida ay xaqiijiyey laamaha amaanka.
Afar qof oo wajiyadda soo xirtay, oo labo kamid ah la sheegay inay caddaan yihiin ayaa ka afduubey Mohammed Dewji, oo 43-sano jir ah xilli uu kasoo baxay qeybta jirdhiska hotel-kiisa subixii hore [6:00 am].
Wasiiru dowlaha Xafiiska Madaxweynaha ee arrimaha deegaanka Tanzania, January Makamba, oo ah saaxiibo dhaw yihiin Dewji, ayaa sheegay in dalkoo dhan uu ka socda baaritaan, iyadoo hay'adaha amniga ku raadjoogaan kuwa afduubka geystay.
"Waxay ku yimaadeen gaari irida hotel-ka, kadibna rasaas ayay kor u rideen kahor inta aysan afduubin Dewji, waxaana u suurta gashay inay baxsadaan, hadda waxaana su'aallo waydiinaynaa askartii illaalada ku qornaa xilligaas," ayuu yiri Taliyaha Booliska Dar Lazaro.
Ma cadda sababta ka dambeysa afuubka Mr Dewji, mana jirto cid illaa iyo haatan dhabarka saartay mas'uuliyadda, balse waxaa loo maleynayaa in falka uu yahay mid kuwa geystay ay doonayaan lacag madax-furasho ah inay ku heleen afduubka Dewji.
Mas'uul u hadlay magaalada Dar es Salaam ayaa shaaca ka qaaday in Bilyineerka uu dib uhelay xorriyadiisa kadib saacado uu gacanta ugu jiray Koox aanan illaa iyo haatan la ogayn cidda ay yihiin.
Booliska ayaa sheegay in falkaan loo xiray Labo qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug-lahaayeen, xili labadda ruux la rumeysan yahay inay Ajaaniib yihiin, wallow aanan la shaacin dalalka ay kasoo jeedaan.
Waa kuma Mohammed Dewji?
Shabakadda Forbes ayaa sheegay in Dewji hantidiisa ay gaareyso 1.5 bilyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, taasi oo ka dhigaysa inuu yahay midka ugu taajirsan dalka Tanzania, sidoo kalena ah maal-qabeenka ugu da'da yar Africa.
Warbixinta oo soo baxday sanadkii 2017-ka, ayaa sheegtay in Mr. Dewji uu yahay bilyaneer ugu da'da yar Afrika.
Dewji waxa uu maamulaa Shirkadda METL, taasi oo uu aas-aasay aabihii 1970 islamarkaana ka shaqaysay soo saaridda bur-burka, cabitaanka iyo saliida, kuwaasi oo loo iibi geeyo lix dal oo Qaaradda Africa ku yaalla.
Waxa uu soo noqday ninkan maal-qabeenka ah mudo labo jeer ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Tanzania, kahor inta uusan iska casilin 215 si waqti ugu huro ganacsiga qoyskiisa.
GAROWE ONLINE