Madax ka tirsan ONLF oo la kulmay Abiy Axmed [Cabasho la gudbiyay]

Image

ADDIS ABABA - Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo madax ka tirsan ONLF ayaa shalay oo Talaado ahayd kulankii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa ku waramaya in kulanka diirada lagu saarey xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka Soomaalida halkaasi oo hogaanka Jabhada uu bilooyinkii ugu dambeeyay uu ku sugnaa.

Wafdiga jabhadda ONLF oo uu hogaaminayey hogaamiye Maxamed Cumar Axmed ayaa kula soo qaaday Abiy xal u helida dhibaatooyinka ka jira degaanka iyo dhameystirka heshiiska nabadda.

Cadaani Hirmooge, afhayeenka ONLF oo kulanka ka warbixiyay ayaa daaha ka rogay in kulanka qodobada lagu falanqeeyay ay qayb ka aheyd qoondada dadka Soomaaliyeed ee siyaasada Itoobiya.

Shidaal laga helay DDSI oo la filayo in lasoo saaro, kaasi oo laga dhoofinayo dalka Jabuuti ayuu hadalkiisa ku daray in ay wax ka waydiiyeen Abiy, maadaama su’aalo laga keenay qaybta ay Soomaalidu ku leedahay.

Afhayeenka ayaa daboolka ka qaaday in ay u gudbiyeen wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa cabashooyin dhowr ah oo kasoo cusboonaaday degaanka, kwaasi oo hoosta ka xariiqay in ay kamid tahay gacan-bidaxeen.

"Si loo gacan-bidaxeeyo dadka Soomaaliyeed waxaa la yeeray; tirakoobka, dhaqaalaha la siiyo, ka qaybgalkooda siyaasada iyo guddiga xuduudaha oo mar la sameeyay, kaasi oo ay Soomaalidu ku yar-tahay ayaan cabasho ku aadan u gudbinay," ayuu u sheegay VOA-da laanteeda afka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, afhayeenka ONLF oo sheegay in qodobada ay kawada hadleen laysla meel-dhigay ayaa rajo wayn ka muujiyay in xal laga gaaro tabashooyinka iyo khilaafka ka jira degaanka DDSI.

"Waxaan kaloo isku afgaranay in dadka Soomaaliyeed laga joojiyo caburinta, faragelinta iyo arrimaha milatariga ee loo adeegsado, si dhab ahna loo muujiyay in ay ka tirsan yihiin Itoobiya," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM