Madaxwaynaha cusub ee DDSI oo qodobo muhiim ah ka hadlay
JIGJIGA - Madaxweynaha cusub ee dowladda degaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed, oo bixiyay wareysigiisii ugu horeeyay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso xaaladihii ugu dambeeyay iyo siday ku timid doorashadiisa.
Maxamed ayaa xafiiska kala wareegay Cabdi Maxamuud Cumar, kaasoo is-casilay kadib markii qalalaase uu ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale oo DDSI katirsan, kuwaasoo ay dhawaan gaareen ciidamo ka socda dowladda Federaalka.
"Cabdi Maxamuud Cumar isaga ayaa go'aan saday inuu xilka iska wareejiyo, waxaana taasi suura-geliyay Gollaha Sare dowlad Degaanka oo soo dhaweeyay," ayuu Madaxweyne cusub u sheegay Idaacadda BBC-da laanta afka Soomaaliga.
Waxaa jira warar sheegaya in dowladda Itoobiya ay lug ku leedahay isbedalada dhacaya, mar wax laga weydiiyay arrinkaas ayuu ka gaabsaday Madaxwaynaha cusub, isagoo tibaaxay in xulashadiisa ay dowladdu "ogoshahay ayna soo dhawaysay".
"Xisbigeyga ayaa aniga idoortay. Waana sida uu qabo Dastuurka u degan gobolkeena iyo Federaalka. Dowladdu waxaa waajib ah inay aqbasho wax walba oo uu go'aan sado shacabka gobolka. Wayna aqbashay," ayuu hadalkiisa kusii daray Maxadweynaha.
Dibad-baxyo rabashado watay ayaa ka dhacay maalmihii u dambeeyay degaanada DDSI, kuwaasoo galaafatay nolasha dad badan, waxayna ka dambeysay markii Milatariga Federaalku qabsaday Jigjiga maalmo kahor.
Madaxweynaha cusub oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yiri:"Waan ka xunahay wixii dhacay. Waxaan mar sii horeysay bilawnay sidii wax looga qaban lahayn. Waxaana sameynay Guddiyo wax ka qabta arrintaas, oo ay dowlada Federaalka ku jirto.
Waxaa jira dhinaco siyaasadeed oo kasoo horjeeda maamulka DDSI ee hada jira, Madaxweynaha cusub wuxuu qirtay in waxa kaga filayo ay yihiin kuwa iska yar, maadaama uu ka tirsan yahay Xisbiga Taladda haya, laakiin wuxuu ka dhawaajiyay inuu isbedal sameyn doono.
Mar uu si gaar ah uga hadlayay Qadiyadda ONLF oo sanado badan dagaalo ka wada dhulka DDSI ayuu xusay "Dowladeyda waxay u socotaa inay sameyso wax walba oo u wanaagsan degaanka, waxaana diyaar u nahay wadahadal iyo inaan xalino wax walba."
Ugu dambeyn, isagoo dul-istaagay hadal dhawaan kasoo yeeray Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, kaasoo ahaa in Shidaal laga helay DDSI ay ku leeyihiin 5%, taasoo carro badan ka muujiyeen dad badan ayuu Madaxweynahu cadeeyay mowqifkiisa.
"Waxaa jira Dastuur u degan Federaalka oo xeerinaya arrimahaan oo dhan. Sidaas darteeda, inaga waxaan dooneynaa waxa uu dhigayo Dastuurka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Dastuurka Itoobiya ee midka Federaalka wuxuu sheegayaa in dowlad goboleedyadda ay ku leeyihiin 40% shidaal walba oo laga helo degaanada hoos taga, sida laga soo xigtay Madaxwaynihii hore ee degaanada Somaalida Itoobiya, Cabdi Illey.
GAROWE ONLINE