Madaxweyne xilka uga degaya si uu fursad u siiyo dhalinyarada

Image

TUNIS, Tunisia – Madaxwaynaha 92-sano jirka ah ee dalka Tunisia ayaa ku dhawaaqay in uusan isu soo taageen doorashada bisha November inkasta oo uu helayo baaqyo ah in uu ka qaybgalo tartanka.

Beji Caid Essebsi ayaa ka sheegay kulan ay yeesheen xisbigiisa Nidaa Tounes in ay tahay waqtigii fursad la siin lahaa in talada ay qabtaan dhalinyaradda.

Mr Essebsi ayaa xukunka ku qabtay doorashadii ugu horeysay ee si xoriyad ah uga dhacdo wadankaasi sanadkii 2014-kii.

Hogaamiyihii hore ee dalkaasi Zine Cal-Abedine Ben Cali ayaa xilka laga qaaday 2011-kii intii uu socday Gu'gii Carabta kadib 23-sano oo xafiiska joogay

Sanadihii u dambeeyay dalkaan ayaa la dhibtoonayay weeraro ka yimaada kooxaha argagixisda ah iyo mushkilado dhaqaale oo ay wehliso shaqo la’aan taasoo arrimo taagan ku noqotay madaxwaynaha.

Xisbiga Essebsi ayaa ku tartarsiinayay isaga in uu mar kale tartamo, maadaama uu u ogolaanayo dastuurka in uu mar labaad damac raadiyo.

Balse hogaamiyahaan ayaa aaminsan in uusan horey u sii socon, isaga oo sheegaya in ay tahay waqtigii albaabada loo furi lahaa dhalinta.

Waxa uu codsaday in lasoo gunaannudo muranka kala dhaxeeya ra’iisul wasaare Youssef Chahed, kaasi oo baxay xukuumada Essebsi iyo xisbigiisa, isla markaana sameystay xisbi gaar ah.

Doorashada madaxtinimada ayaa la qorsheeyay 17-ka November, inkasta oo midkooda xisbiyada ugu muhiimsan aysan wali shaacin murashaxooda.

Hadalka Mr Essebsi ayaa imaanaya iyada oo hogaamiyaha dalka ay deriska yihiin Algeria ee 82-sano jir ah, Cabbdul-casiis Bouteflika uu is-casila kadib mudaaharaadyo looga soo horjeedo in uu mar kale xilka qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM