Madaxwayne lagu eedeeyay 'in uu xaday' muuqaal uu leeyahay fanaan

Image
Heesaaga ayaa weeraray hogaamiyaha dalkan kadib markii fiidiyowga lagu baahiyey Twitter-ka.

ACCRA, Ghana - Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, ayaa lagu eedeeyay in uu u adeegsaday shaqo uu qabtey fannaan fasax la'aan iyo ammaan la'aan si uu ugu buun-buuniyo dalxiiska dalkaas.

Fanaanka reer Ghana Kirani Ayat ayaa sheegay in uu la xidhiidhay dawladda si uu taageero u raadiyo muqaalkiisa ku jira heesta Guda, balse waa laga diiday.

Fiidiyowga waxaa lagu duubay waqooyiga Ghana wuxuuna muujinayaa muuqaalo qurux badan iyo dhaqanka deegaanka.

Talaadadii, Ayat ayaa weeraray madaxweynaha ka dib markii uu la wadaagay muuqaal xayaysiin ah:

"Madaxweynaha Ghana wuxuu isticmaalay  fiidiyowgayga 'Guda' ogeysiiskan si uu u dhiirrigeliyo dalxiiska Ghana," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan si firfircoon ula xiriiri jiray Wasaaradda Dalxiiska 2018/19 si aan u isticmaalo muuqaalkan si kor loogu qaado dalxiiska waqooyiga, jawaabna kamaanu helin," ayuu qoray.

Muuqaalka ayaa madaxweynuhu ku faafiyey bartiisa Twitter-ka waxaana uu kusoo beegay iyadda oo loo dabaaldagayo maalinta caalamiga ah ee dalxiiska. Ghana waxay ku jirtaa wadamada aadka ugu fiican dalxiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM