Madaxwaynihii hore ee DDSI Cabdi Illey oo xabsi la dhigay [DAAWO]

Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Laamaha amaanka ee dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida, Cabdi Maxamed Cumar, sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Addis Ababa.

TV-ga dowladda ETV ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya ciidamo Booliska ah oo Cabdi Illey kala soo baxay guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa, oo gaari saaraya.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay Guriga Cabdi Illey laga soo xiray ay ka heleen 5 qori oo AK-47 ah iyo 4 bastoolad, kuwaasoo ay la wareegeen hay'adaha amniga, islamarkaana lagu sameynayo baaritaan.

Xariga Cabdi Illay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa maalin kadib markii xubnaha sharci dejinta ee dowlad degaanka Soomaali Galbeed ay ka xayuubiyeen xasaanada Cabdi Illay iyo lix xubnood oo kale.

Sababta xasaanadda looga qaaday ayaa lagu sheegay inay lala xiriirinayo inay ku lug-lahaayeen kicinta rabshadihii dhowaan ka dhacay Magaalooyin ka tirsan degaanka, taasoo ay ku dhinten dad badan, kuwa kelana ay ku barakaceen.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADDA XUBNAHA XASAANADA LAGA QAADAY

1. Cabdi Maxamed Cumar – Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka,

2. Cabdi Jamaal Qelonbi - Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Wasiirka Caddaaladda,

3. Raxma Maxamed – Madaxa arrimaha Haweenka iyo Caruurta,

4. Ibraahim Mahdi – Wasiirka Waxbarashada,

5. Deeq Cabdullaahi – Ku xigeenka Wasiirka Horumarinta Biyaha iyo Khayraadka,

6. Ibraahim Maxamed Mubaarak – Duqa magaaladda Jigjiga,

7. Cumar Cabdi – Madax arrimaha siyaasadda ee Xisbiyadda Shacbiga Soomaalida Itoobiya ee ESPDP.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo si adag uga jawaabay su’aal ku saabsaneed waxay dowladiisa ka yeelayso Cabdi Illay iyo kooxdii la shaqayneysay ayaa afka ku balaariyay inay cadaaladda horkeeni doonan.

Lama ogga talaabadda xigta oo ay dowladda ka qaadeyso Cabdi Illay iyo kooxdii la shaqayneysay, inkasta oo laysla dhex-marayo in lasoo taagayo maxkamad, si loogu rido xukuno ay ku mutesyteen xadgudubyadda lagu soo eedeeyay.

HOOS KA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya iyo Jabuuti oo Xoojinaya Iskaashiga Milatari si looga Hortago Khataraha Gobolka Geeska Afrika

Janaraal Teshome ayaa martida Jabuuti ku soo dhaweeyey si kal iyo laab ah, isagoo tilmaamay in Itoobiya iyo Jabuuti...

  • Afrika

    30-07-2025

  • 06:46AM

Alassane Ouattara oo shaaciyey inuu mar afaraad u taagan yahay doorashada Ivory Coast

Ouattara oo 83 sano jir ah ayaa sheegay in caafimaadkiisa iyo dastuurka dalka ay u oggol yihiin inuu xilka sii hayo.

  • Afrika

    30-07-2025

  • 05:22AM