Madaxweynaha dalka Jabuuti Iyo Eritrea oo markii ugu horeysay kulmay

Image

JEDAH - Hogaamiyaasha dalalka Eritrea iyo Jabuuti ayaa ku kulmay magaalada Jeddah ee caasimadda dalka Sacuudiya, halkaasoo siyaabo kala duwan ay ku gaareen maalmihii lasoo dhaafey.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Isaias Afwerki ayaa yeeshay kulan gaar ah, kaasoo looga hadlay sidii loo dhaqan-gelin lahaa qodobadda kasoo baxay heshiis ay dhowaan kala saxiixdeen labada dal.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in hogaamiyaasha ay isla meel-dhigeen sidii dhowaan looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan soo celinta cilaaqaadkaa labadda dal.
 
Yuusuf ayaa rajo fiican ka muujiyey in xiriirka Jabuuti iyo Eritrea uu mar dhow kusoo noqdo si caadi ah, iyo in horey looga socdo dhamaan arrimaha keenay colaada gaamurtay ee labada dowladood dhex-tiilay.
 
"Jabuuti waxay diyaar u tahay inay bog cusub la qorto Eritrea iyadda oo la eegayo danaha labadda Shacab," ayuu Wasiirka ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka.
 
Jabuuti iyo Eritrea ayaa ku muransanaa dhul ku yaala Sohdinta ay wadaagaan labadda dal, taasoo dhalisay dagaalo ay ku dhinteen dad badan, halka kuwa kalena lagu la' yahay.
 
Kulanka Geelle iyo Isaias Afwerki ayaa imaanaya dhinaca kale xilli boqorka dalka Sucuudiga ku sameeyey munaasabad dalka Itoobiya iyo Eritrea heshiis ku saxiixdeen kaasoo aan laga martiqaadin Madaxweynaha Soomaaliya oo isagu qayb ka ahaa kulamada la isugu soo dhoweeynayey Sadexdaan wadan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM