Madaxweynaha Eritrea oo booqasho ku tagaya Ethiopia
ASMARA - Madaxweynaha Eritrea, Isaisa Afwerki ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda ee maanta oo Sabti ah uu booqasho taariikhi ah ku tagi doona dalka Ethiopia, oo cadaawad gaamurtay mudo ka badan 20 sano ah kala dhaxeysay.
Wasiirka Warfaafinta dowladda Eritrea, Yemane Merkel ayaa xaqiijiyay booqashada Madaxweyne Asaisa Afwerki ee Ethiopia, kadib markii labada dal ay ku dhawaaqeen inay dhamaatey colaadii ka dhaxeysay.
Dowladda Eritrea ayaa Isniinta soo socota dib u furanaysa Safaaradeedii Addis Ababa, taasi oo xirnayd tan iyo 1998, sida uu shaaciyay Afhayeenka dowladda Ethiopia Axmed Shide.
Booqashada Afwerki ee Ethiopia ayaa qaadan doonto saddex maalmood, isagoo inta uu ku sugan yahay dalkaasi la kulmi doona madax sare, oo uu kamid yahay Abiy Axmed.
Isbedelka deg-dega ah ee ku yimid xiriirkii mudada dheer xumaa ee Eritrea iyo Ethiopia ayaa yimid kadib markii uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu billaabey hinside nabadeed bishii June.
Abiy Axmed ayaa booqasho lama filaan noqotay ku tagey Todobaadkii tagey magaalada Asmara, Caasimadda dalka Eritrea isagoo halkaasi kula kulmay Madaxweyne Isais Afwerki.
Wuxuu Abiy Axmed heshiis dib loogu soo celinayo xiriirka Ethiopia iyo Eritrea la galay Afwerki inuu ku sugnaa Asmara, waxay ahayd midaasi tallaabo lagu soo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay labada wadan.
Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa soo warisay in wafdiga Eritrea uu booqan doono goobo dhowr ah, oo ay kamid tahay dhulka warshadaha ku yaalla ee Hawassa industrial park.
Labadan dal ee ku yaalla geeska Africa ayaa isku raacay inay dib u furaan safaaradahooda, inay hormariyaan adeegyada duulimaadka, iyadoo Ethiopia ay isticmaali doonto Dekedaha Eritrea.
Tani ayaa ah tallaabo ay u qaadeen dalalka dhanka nabada iyo horumarka, waxaana heshiiska Abiy Axmed iyo Isaisa Afwerki si diiran usoo dhaweeyay Midowga Africa iyo dalal kale.
Dagaal ay ku dhinteen in ka badan 70,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii dhexmaray Ethiopia iyo Eritrea kaasoo salka ku hayay muran dhanka xuduuda ah. Dagaalka ayaa socday 1998-2000.
Dib u heshiisinta Abiy Axmed ayaa isbedel siyaasadeed iyo mid amni u horseedi karta gobolka, oo boqolaal kun oo dhalinyaro ah uga tahriibeen Yurub si ay fursado iyo nabadgelyo uga helaan.
Tan iyo markii uu bishii April awoodda la wareegay, Abiy Axmed ayaa sameeyay isbedello badan, isagoo ku dhawaaqay qorshiye-yaal uu uga dhigayo shirkadaha dowladda, gaar ahaan Isgaarsiinta iyo Diyaaradda Ethiopian Airlines kuwa cid kasta u furan inay maalgashato.
Dalka Ethiopia oo shacabkiisa lagu qiyaasay 100 milyan ayaa sameeyay kobac dhaqaale tobanaankii sane ee lasoo dhaafay, iyadoo uusan dalka lahayn wax deked ah, islamarkaana ku tiirsan deriska.
GAROWE ONLINE