Madaxweynaha Kenya oo booqasho taariikhi ah ku tagaya dalka Eritrea

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa berri booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Asmara ee caasimada wadanka Eritrea, sida ay xaqiijiyay xafiiskiisa.

Markii ugu dambeysay oo Madaxwayne Kenyan ah uu booqday Eritrea waxay ahayd sanadkii 1999-kii.

Kenya ayaa ka fekeraysa inay dib u furto safaaradeeda Asmara.

Madaxwayne Isaias Afwerki, oo socdaal ku tegay Kenya sanadkii hore 2018, ayaa waxa uu la kulmay Kenyatta oo uu kala hadlay nabada iyo xasiloonida gobolka.

Afwerki ayaa labo jeer booqday Kenya iyaddoo uu Uhuru madaxweyne ka yahay.

Markii ugu horeysay waxay ahayd 2013-kii, markaas oo uu ka qaybgalay munaasabad uu qabsaday xisbiga talada haya ee Jubilee, taasoo soo gabagabeysay hadal-heyn ahayd in xiriirka labada dal uu sii xumaanayo.

Cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee Eritrea iyo Kenya ayaa hakad galay sanadkii 2011-kii.

Tani waxay ka dambeysay markii wasaarada arrimaha dibada Kenya ay ku eedaysay xukuumada Eritrea inay Hub siiso kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia, taasoo cunaqabeyn ay ku muteystay, balse, dhowaan laga qaaday.

Mas'uuliyiinta Asmara ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaynta Kenya, taasoo xitaa ku hanjabtay inay dib u eegayso xiriirla labada geesoodka ah ee dalalkaan.

Safarka uu Uhuru Kenyatta kayaa imaanaya iyada oo gobolka uu ka socdo isbedal siyaasadeed oo xoogan, islamarkaana Somalia, Itoobiya iyo Eritrea ay ku heshiiyeen inay sameystaan Iskaashi dhaqaale oo aan Jabuuti qayb ka ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM