Madaxweynaha Masar oo ka falceliyay musuqmaasuq lagu eedeeyay

Image

QAAHIRA, Masar – Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Cumar Al Sisi, ayaa eedeymaha la xiriira musuq-maasuqa ee ka dhanka ah isaga iyo Jeneraalada ciidamadiisa ku tilmaamay kuwa salka ku haya ceebeyn.

Ganacsade reer Masar ah kaasi oo qandaraas 15-sano kula shaqeynayey milatariga ayaa muuqaal uu baraha bulshada ku baahiyey ku sheegay in hantida dadweynaha dano gaar ah loo isticmaalo.

Muuqaalka guuxa faraha badan abuuray ee Maxamed Cali oo daawasho badan helaya ayaa waxa ku xusay in xoolaha dadweynaha loo adeegsado ku dhisashada guryo, qasriyo iyo huteelo.

Cali ayaa muuqaalka kasoo diray waddanka qaarada Yurub ku yaala ee Spain, halkaasi oo musaafuris-shaqsi ah uu ku joogay sanadihii u dambeeyay.

Shirka dhalinyaradda Qaahira ayuu madaxweynahu sheegay in ciidamada Masar "la sumcad dilay" balse si gaar ah ma uusan u dul istaagin eedeymaha wax is-dabarin ee isaga ka dhanka ah.

Mohamad el-Masry, oo ah barre sarre oo ka tirsan machadka cilmi baarista Dooxa, ayaa wuxuu yiri: "Xaqiiqada waxay ku qotontaa reer Masar … Waxay bilaabayaa in ay shaki qaadaan".

Isaga oo sii hadlaya waxa uu intaasi ku daray: "Xitaa Al Sisi taageereyaashiisa ayaa bilaabaya in ay tuhmaan sharaftiisa hogaamiyenimo, iyo sidoo kale sharafta xoogaga dowladda ee milatariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM