Madaxweynaha Zambia ku dhex-miyir-beelay munaasabad

Image

LUSAKA, Zambia - Madaxweynaha Zambia, Edgar Lungu, ayaa miyir-beelay Axadii, Juun 13, 2021, intii lagu jiray munaasabaddii Maalinta Ciidanka Difaaca kadib "markii uu wareeray", sida ay sheegtay dowladda.

Edgar ayaa lagu qasbay inuu soo gaabiyo joogitaankiisa kuna laabto Aqalka Madaxtooyada, iyadoo xoghayaha golaha wasiirada Dr Simon Miti uu ku dhawaaqay inuu caafimaad qabo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zambia, Dr Edgar Chagwa Lungu, galabta wuxuu la kulmay wareer kedis ah isagoo ka qeyb galayay munaasabada xuska iyo maalgalinta maalinta ciidamada difaaca ee 45-aad. Mudanaha ayaa isla markiiba bogsaday wuxuuna u dhaqaaqay dhanka gaariga rasmiga ah wuxuuna ku laabtay hoygiisa oo ku yaal Aqalka Madaxtooyada," ayuu yiri Dr Miti.

Wuxuu ku daray: "Madaxweynaha ayaa raba inuu u xaqiijiyo guud ahaan shacabka iyo dhamaan muwaadiniinta ay quseyso iyo beesha caalamka inuu caafimaad qabo uuna sii wado gudashada waajibaadkiisa ah Madaxa Dowlada iyo Abaanduulaha guud ee ciidamada Difaaca".

Lungu wuxuu dhashay November 11, 1956, wuxuuna Madaxweyne ka ahaa Zambia tan iyo Janaayo 25, 2015. Lungu wuxuu soo qabtay wasiirka cadaalada iyo wasiirka gaashaandhiga intii uu madaxweynaha ka ahaa Michael Sata.

Ka dib dhimashadii Sata bishii Oktoobar 2014, Lungu waxaa loo qaatay inuu noqdo murashaxa xisbiga talada haya ee Patriotic Front ee Shirweynaha Jabhadda waddani ee Kabwe, ee doorashada ku celiska madaxweynenimada ee Janaayo 2015, taas oo ahayd in lagu go'aamiyo cidda qaban doonta inta ka dhiman muddada Sata.

Doorashada oo si weyn loogu loolamay ayaa wuxuu si dirqi ah uga adkaaday musharraxa mucaaradka Hakainde Hichilema isaga oo xafiiska la wareegay Janaayo 25, 2015, wuxuuna shaqeynayaa illaa haatan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM