Madaxweynihii dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo is-casilay
JIGJIGA - Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI), Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilkii Madaxweynaha kadib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhex-galay isaga iyo dowladda Federaalka ee dalkaasi.
Wargeyska Addis Ababa Standard, ayaa sheegay in Wasiirkii Maaliyadda ee DDSI, Axmed Cabdi Ilka-Case in lagu bedelay Madaxweynaha is-casilay, waxaana isbedelka uu kusoo beegmayaa xilli ay xiisad ka jirto Jigjiga, oo rabshado ay ka socdaan.
Cabdi Maxamuud ayaa Madaxweyne soo ahaa tan iyo 2005, waxaana lagu eedeeyay in maamulkiisa uu xad-gudubyo ka dhan ah bini'aadanimada ka geystay degaanada DDSI, oo hadda la doonayo inuu la jaan-qaado is-bedelka cusub ee Itoobiya.
Sida uu Garowe Online [Halkan ka akhri] soo qoray maanta, Madaxweyne Cabdi, ayaa inta uusan qaadan go'aanka is-casilaadda, ayaa waxuu kulan is-faham uu kusoo dhamaaday la yeeshay mas'uuliyiin ka socotay dowladda dhexe ee Itoobiya.
Ciidamo ka socda Federaalka ayaa dhawaan la wareegay Jigjiga, taasoo ka dhalatey dibadbaxyo iyo rabshado ay ku dhinteen ku dhawaad 50 qof, iyo biliqilo loo geystay goobo ganacsi iyo xarumo dowladeed.
Odayaal iyo Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa maalmo kulamo uga socday magaalada Dirir Dhawe, kuwaasoo horey ula kulamay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, kana codsaday inuu xilka ka qaado Madaxweynaha DDSI, Cabdi Maxamed Cumar.
GAROWE ONLINE