Madaxweyne ammaanay mas'uul ku kacay fal carro abuuray

Image

DODOMA, Tanzania – Madaxweynaha Tanzania ayaa ammaan kala dul-dhacay mas'uul dowladood, kaasi oo ku kacay fal carro abuuray.

Albert Chalamila, gudoomiye goboleed, ayaa garaacay arday lagu eedeeyay in ay dab-qabad siiyeen qeybta cuntada ee dugsigooda.

Muuqaal aad loogu wadaagay baraha bulshadda ayaa muujiyey iyadda oo ardayda loo garacaayo sababta ay been u sheegeen.

John Magufuli, hogaamiyaha dalkan Afrikaanka ah, ayaa ku doodaya in arday kale ay ku waano qaadan karaa garaacista.

Hase ahaatee, wasiir ayaa dhaleeceeyay falka, isaga oo sheegay in uusan jirin sharci ogolaanaya in la ciqaabo ardayda.

Ardayda ayaa laga joojiyey iskuulka waana la ganaaxay. Bareyaasha ayaa sidoo kale la faray in ay adkeeyaan badqabka Raashiinka.

"Waan la hadlay gudoomiyaha Magufuli [Mr Chalamila], waxaan u sheegay in uu shaqo wanaagsan sameeyay," ayuu yiri. John Magufuli

Magufuli ayaase kolkii dambe hoosta ka xariiqay in arday jir ahaan loo garaaco ay tahay xadgudub ka dhan ah xuquuqda bini'aadamka.

"Kuwa u doodaya xuquuqda aadanaha ha bixiyaan qarashka cuntada, ha dhisaan dhismeyaasha, raashiina ha siyaa faqiiradda," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM