Madaxweyne cusub oo loo magacaabay DDSI [Taariikhdiisa]

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweyne cusub oo KMG ah ayaa loo magacaabay maanta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya [DDSI], kadib kulan ay Addis Ababa ku yeesheen xubnaha Xisbiga haya talada [ESPDP] iyo odayaasha degaanka.

Mustafa Maxamed Cumar, oo 45 sano jir ah ayaa loo magacaabay inuu noqday ku-simaha Madaxweynaha DDSI isagoo xilka heyn doona illaa laga qabanayo doorasho 2020-ka.

- TAARIKHIIDIISA -

Madaxweynaha cusub, ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Dhagaxbuur ee dalka Itoobiya waxaana uu bartay cilmiga beeraha, waana dhaqaayahan heysta shahaadada Master-ka.

Mustafa ayaa si aad ah u dhaliili jiray nidaamkii Cabdi Illey iyo tacadiyadii Ciidamada Liyuu Boolis, kadib markii qoyskiisa xubin kamid ah, gaar ahaan waliilkiisa lagu dilay DDSI 2017.

Waxuu sidoo kale Mustafa qoraallo badan ka qoray ku xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee maamulkii Cabdi Illey, waxaana midan loo sababeynayaa dilka walaalkiisa.

Axmed Cabdi Maxamed

Axmed Cabdi Maxamed oo bishan horaanteedi loo magacaabay isla xilkan ayaa awoodda ku wareejinaya hadda Mustafa Maxamed Cumar oo si aqlabiyad leh u doorteen odayaasha DDSI iyo xibiga ESPDP.

Isbedellada ka socda DDSI ayaa yimid markii Ciidamada Federaalka Itoobiya ay gudaha u galeen Jigjiga, islamarkaana la wareegeen xarumaha dowladda, taasoo ka dambeysay khilaaf soo kala dhex-galay Cabdi Illey iyo Xukuumadda Abiy Axmed.

Dibadbaxyo iyo rabshado dhiig ku daatey oo ka dhacay magaalooyin ay kamid tahay Jigjiga kadib, Cabdi Illey ayaa ugu dambeyn is-casilay bishii laso dhaafay, waxaana sidoo kale laga qaadey xilka gudoomiyaha Xisbiga ESPDP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM