Madaxweyne ku xigeenka Kenya: Cabsi gelin waxaa iiga fiican dil

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa shaaciyey in ay socdaan qorsheyaal isaga ka dhan ah, balse uu diyaar u yahay in uu wajaho xaalad kasta oo lasoo gudboonaata.

Isagoo ka hadlayey munaasabad aas ah, Ruto ayaa qorsheyaasha loo maleegayo ku qeexay "cabsi gelin siyaasadeed, si looga hor-istaago damaciisa doorashada madaxtinimada 2020".

"Waxaan rabaa in aan u sheego kuwa ajendahaas ila xiriirinaya, waxaa dhaanta in ay i dilaan, balse aniga maahi qof la cabsi gelin karo ama hoos loo dhigi karo," ayuu u sheegay wariyeyaasha.

Duugta waxaa loo sameeyay askari kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee xafiiskiisa lagu magacaabo Harambee House Annex.

Saddex Alifle Kipyegn Kenei ayaa la dilay kahor inta uusan warbixin ka siinin Hay'adda Dambi-baarista baaritaanka musuqmaasuq oo la sheegay in uu ku lug-yeeshay xafiiska Ruto oo ah iibinta hub.

Heshiiska qoryaha "been abuurka ah" oo ku kacaya malaayiin Doolarka Mareykanka ah waxaa la tibaaxay in uu isku soo dabariday Rashid Echesa, wasiirkii hore ee cayaaraha waddanka Kenya.

Kenei, oo macluumaad badan hayey, waxaa geeridiisa ay sababtay su'aalo badankooda kusoo biyo shubtay xafiiska William Ruto.

Hay'adda Dambi-baarista ayaa muuqaal ay baahisay waxaa kasoo muuqdey Rashid Echesa iyo laba ruux kale oo ajaaniib ah, kuwaasoo la xusay in ay heshiiska qeyb ka ahaa.

Qandaraaska waxaa lasoo wariyey in uu ka dhacay xafiiska Ruto, kaasoo u muuqda mid iska difaacaya eedeymaha loo jeedinayo.

"Hadii ay dileen Kenei marka aniga way i cabsi gelin karaan kadibna waxaan u sheegayaa in aan diyaar ahay, balse maskaxda ku haysta dhiigiisa bilaash ma noqon doono," ayuu ka shanqariyey.

Ugu dambeyntii, hay'adda dambi baarista Kenya ayuu ku booriyey in ay baaritaana kiiska kala shaqeeyaan Booliska isla markaana ay joojiyaan "in ay siyaasadeeyaan" qadiyadan xasaanada badan huwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM