Madaxweyne xigeenka Kenya: Waxaan u nimid qasbado maran

Image
Rigathi iyo Ruto ayaa sameeyay balanqaadyo waaweyn oo qaarkood looga fadhiyo in ay fuliyaan 100-ka maalmood ee ugu horeeya.

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya Rigathi Gachagua ayaa sheegay in qasnadaha dowladda ay maranyihiin, islamarkaasna ay dadka Kenya tahay in ay dulqaataan inta xal loo helayo. 

Wuxuu sheegay in maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta uu faaruqiyay kaydkii dowladda, haddana xaalada ay maraysa meel halis ah oo haddii aanan la qaadin talaabooyin degdeg ah ay adagtahay in xal laga gaaro. 

Wareysi uu siiyay idaacad la iska arko ayuu ku sheegay in markii hore ee ololaha ay ku jireen aysan ogeyn sida xaaladda tahay, balse hadda ay ogaadeen xaaladda murugsan ee uu dalka marayo dhaqaale ahaan. 

Rigathi iyo Ruto ayaa sameeyay balanqaadyo waaweyn oo qaarkood looga fadhiyo in ay fuliyaan 100-ka maalmood ee ugu horeeya, balse waxa ay hadda u egtabay in ay kasii afeefanayaan. 

Waxyaabaha ballan-qaadka ku jirey waxaa ka mid ahaa in la xakameeyo sicir-bararka, kana sameeyo sanduuq loogu talogalay danyarta iyo ganacsatada yaryar.  Wuxuu sidoo kale balanqaaday in la sameynayo mashaariic waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM