Madaxweynihii Chad oo la dilay maalin kadib markii la doortey
N'DJAMENA, Niger - Madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Chad, Idriss Deby, ayaa u dhintey dhaawacyo ka soo gaarey jiida hore ee dagaalka isagoo horkacaya guluf ka dhan ah fallaagada waqooyiga waddankan dhaca gobolka Sahel, afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sidaas sheegay Talaadada maanta ah.
Deby, oo 68 jir ah, "wuxuu neefsashadiisii ugu dambeeyay ku neefsadat furinta ugu dambeysa ee difaaca qaranimo isaga oo jooga aaga dagaalka", ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa Agouna oo qoraal ka akhriyay telefishanka dowladda.
Warkan ayaa soo baxay maalin kadib markii Deby, oo xukunka ku qabsaday kacdoon 1990, uu ku guuleystay tartanka madaxtinimada markii lixaad, sida ku cad natiijooyinka doorashada ku meelgaarka ah ee la sii daayay Isniintii.
Deby wuxuu helay boqolkiiba 79.3 codadkii la dhiibtay doorashadii madaxweynaha ee dhacday Abriil 11, natiijooyinka ayaa muujiyay.
Sida uu sheegay maareeyaha ololahiisa doorashada, Deby ayaa dib u dhigay khudbadiisii guusha ee uu u jeedin lahaa taageerayaashiisa taa badalkeedana wuxuu u aaday booqashada askarta Chad ee jiida hore ku sugan.
Jabhadda Front for Change and Concord in Chad (FACT), oo fadhigeedu yahay guud ahaan waqooyiga xadka ay la wadaagto Liibiya, ayaa weerartay bar xuduudeed maalintii doorashada ka dibna waxay isku fidiyeen boqolaal kiilomitir koonfur. Laakiin waxay la kulantay dib u dhac wiiggii dhammaadkiisii.
Afhayeenka militariga Chad Agouna ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada militariga ay dileen in ka badan 300 oo dagaalyahano ayna ku qabteen 150 maalintii Sabtida gobolka Kanem, oo qiyaastii 300 kiiloomitir (185 mayl) u jira caasimada Ndjamena.
Shan askari oo ka tirsan dowladda ayaa, sidda uu caddeeyay afhayeenka, waxaa la dilay 36 kalena waa la dhaawacay.
GAROWE ONLINE