Madaxii degaanka Oromada oo loo magacaabay wasiirka difaaca

Image

ADDIS ABABA - Baarlamanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay saddex Wasiir oo uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed soo magacaabey, kuwaasoo uu ku jiro Madaxweynihii dowlad degaanka Oromiya, Lemma Megresa.

Lemma Megresa ayaa loo magacaabey Wasiirka Gaashaandhigga dalka Itoobiya, iyadoo xilkaasi laga qaadey Aisha Mohammed oo kasoo jeeda gobolka Anfarta, taasoo xafiiska joogtay tan iyo sanadkii tagey.

Aisha Mohammed waxaa hadda laga dhigay wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha.

Xilka wasiirka arrimaha dibadda waxaa loo magacaabey siyaasi lagu magacaabo Gedu Andargachew, oo kasoo jeeda gobolka Amxaaradda.

Abiy Axmed, oo isna kasoo jeeda gobolka Oromiya ayaa noqday Ra'iisul Wasaaraha dalkan ugu shacabka badan Geeska Africa bishii April ee 2018, kadib markii si kedis ah isku casilay Hailemariam Desalegn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM