Madaxweynihii hore ee Sierra Leone oo su'aallo la waydiiyay

Image
Ernest Bai Koroma oo talinayay 10-sano ayaa waxaa lagu eedeeyay "isku-day afgembi dhicisoobay".

NAIROBI, Kenya - Madaxweynihii hore ee Sierra Leone, Ernest Bai Koroma, ayaa su’aallo lagu weydiiyay xarumaha Booliska ee ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Freetown kadib markii lagu eedeeyay isku-dayay afgambi dhicisoobay.

Mr Koroma, oo dalka xukumayay in ka badan 10 sano, waxa uu yimid abbaare 10:00 xilliga maxaliga ah waaxda dambi baarista, iyadoo ay galbinayeen ciidamo booliis iyo militariga.

Ma cadda inta uu su’aalahaasi socday balse Madaxweynihii hore ayaa markii dambe qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in su’aalo weydiintu ay sii socon doonto maalinta Sabtida ah.

"Waxaan su'aallaga uga jawaabayaa maskax furan, waxaan ku kalsoonahay nidaamka cadaaladda iyo sharciga si loo helo madax-banaani iyo daahfurnaan," ayuu tibaaxay.

Booliiska ayaa u yeeray Mr Koroma Khamiistii iyagoo ka codsaday inuu ku soo muuqdo 24 saac gudahood si su’aalo loo weydiiyo, taasoo qeyb ka ah baaritaankooda ku aadan isku daygii afgambi ee dhicisoobay ee 26-kii November.

Dabley hubeysan ayaa bishii hore weerar ku qaaday xero ciidan, xabsi iyo goobo kale oo ku yaalla dalka Sierra Leone, iyagoo sii daayay ilaa 2,000 oo maxaabiis ah, waxaana ay dileen in ka badan 20 qof.

Falkan ayaa mas'uuliyiinta ku sheegeen inuu ahaa isku day lagu doonayay in lagu afgambiyo dowladda. Illaa hadda, 71 qof ayaa xabsi loo taxaabay, oo ay ku jiraan 45 askari oo ciidan ah, 7 askari oo boolis ah iyo 13 rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM